Somali Language Page

Waxaannu nahay:

Jaaliyadda Granby Somali Women’s Group waxa la aasaasay sannadkii 1994kii. Halgan dheer oo urrurku u galay inuu helo maalgelin ka dib waxa uu xarun ka samaystay 12 Beaconsfield Street, Liverpool L8 UK oo ah goobta uu weli ka furan yahay. Inkasta oo tan iyo kolkii la aasaasay urrurku ballaadhay haddana hawsha u taallaa maaha mid dhammaad leh, bulshada urrurku miisaanka weyn saaray inuu caawiyaa waa haweenka Soomaalida waxa se dhacda beryahan in aan taageerno haween jinsiyadaha kale ka soo jeeda.

Haddafkayaga ugu weyni waa in aannu duminno caqabadaha horyaalla kooxaha laga tirada badan yahay gaar ahaan bulshada Soomaalida. Waxa aannu had iyo jeer nahay meesha koowaad ee dadka aannu taakulaynaa ku soo hirtaan annaga oo isku dayna in aannu kalsoonidooda dhisno, taas oo ku timaadda in laga qaybgeliyo qaabka iyo talada lagu gacanqabanayo. La tashigaas iyo ka qaybgelintaasi waxa ay dadka aannu caawinno siisaa kalsooni iyo inay higsadaan hirar sare oo ay taabi karaan.

Taageerada aannu bixinno:

Xilligan la joogo waxqabad badan ayaa xaruntu u fidisaa haweenka Soomaalida, carruurta, qoysaska iyo xubnaha kale ee bulshooyinka laga tirada badan yahay. Waxqabadkaasi waa mid buuxiya baahiyaha gaarka ah ee ay la kulmaan kooxo uu haysto faquuq joogto ah isla markaana degaan ku ah aag ka mid ah kuwa ugu dibu dhacsan dalka oo dhan.

Waxqabadkayagu wuxuu u sahlaa dadka aannu caawinno inay si fudud u fushan karaan doorka iyo masuuliyadda ka soo wajahda bulshoweyntooda iyaga oo aan ka cabsi qabin faquuqa iyo dirsooca maalinwal ba la kulmi kara.

Waxa ka mid ah waxqabadkayaga:

  • Xarun u furan haweenka iyo carruurta oo ay la iman karaan hadba wixii dhibaato ka hor timaadda lagana caawinayo. Waxyaabaha xaruntu ka caawin karto waxa ka mid ah talobixin ku aaddan gunnooyinka, shaqo raadin, buuxinta arjiyada.
  • Caawimo ubadka loo fidiyo kolka ay dugsiyada ka soo baxaan oo daboolaysa baahiyaha layliga laga soo siiyo dugsiga si ay uga soo shaqeeyaan.
  • Waxa aannu fidinnaa taageero dhanka dhibaatooyinka waxbarashada, iyada oo carruurta laga caawinayo shaqada guriga(homework) ama cid hagta loogu ballaminayo xarunta lafteeda.
  • Fasallo lagu barto afka Ingiriisiga ah.
  • Barnaamij ololaha caafimaadka ah.
  • Cunto karis loo sameeyo dumarka waayeelka ah ee Soomaalida maalmaha toddobaadka dhammaadkiisa, iyada oo kuwa aan soo bixi karin guriga loogu geeyo.
  • Ciyaar Soomaali, farshaxan iyo naqshadayn dhallinyarada loogu talagalay.
  • Tolista dharka.
  • Madadaalada carruurta xilliyada dugsiyadu xidhan yihiin.

Nagala soo xidhiidh:

Granby Somali Women’s Group
12 Beaconsfield Street
Liverpool
L8 2UU

contact@granbysomaliwomensgroup.org

0151 727 1008 / 0151 726 0267